Somali News

Kaniisadaha Fransiiska oo casuumad u fidiyay Muslimin….

In ka badan kun qof oo Muslimiin ah ayaa ka qeyb qaatay duco ka dhacaysay kaniisad ku taalla magaalada Ruwen ee dalka Faransiiska.

Magaaladaas ayay 5 maalmood ka hor niman mintidiin ah ku dileen baadari.

Kaniisadaha Faransiiska ayaa ku martiqaaday Muslimiinta in ay maanta kala qeybgalaan ducadooda, si ay u muujiyaan in ay ka xun yihiin dilka baadariga.

Weerarkaas ayaa qeyb ka ahaa weerarrada mintidiinta Islaamiga ah ee gilgilay dalkaasi.

Baadari Jacques Hamel, oo sideetan iyo lix jir ahaa, ayaa waxaa la dilay xilli uu ku sugnaa kaniisadda magaalada Ruwen.

Ururka Muslimiinta dalka Faransiisa ee loo soo gaabiyo CFCM ayaa ku baaqay in loo baahan yahay in midnimo iyo garab istaag la muujiyo dilkaas awgii.

Mohammed Karabila, oo madax ka ah masaajid ku yaala Rouen ayaa sheegay in ay aad muhiim ugu tahay isaga in uu tago kiniisada.

Wuxuu sheegay in bulshada Muslimiinta ah ay horay u samayn jireen waxyaabo badan oo aan la arkin balse tan ay dadka indhahooda qabanayso.

Related posts

5 Daqiiqo ka hor ayuu ka bad baaday Qaraxii Koowaad Balse Qaraxii Labaad ayuu ku geeriyooday.

admin

Akhriso: Qodobada ay ku Heshiiyeen Madaxweynayaasha Puntland iyo Puntland Kadib Kulan Maanta Galkacyo ka dhacay+Sawirro

Tifaftiraha K24

CABASHO : Beesha SADE “R/W hore ee Saacid, Abdiweli, Farmaajo iyo siyaasiyiin kale waa ka aamuseen xasuuqa Ceelcadde”

admin