Breaking News Kaydka Wararka Xulka ah Somali News Top News

DEG DEG: Janaraal Jaamac Qaalib oo iska casilay Xilkuu uu Xalay MD Farmaajo u magacaabay

Warar goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib uu iska casilay xil uu umagacaabay madaxweynaha dowladda Soomaaliya.

Jaamac Maxamed Qaalib ayaa loo magacaabay xalay Guddoomiyaha Sanduuqa Taakuleynta Ciidamada laakiin saacado kadib xilkaas ayuu iska casilay.

Madaxtooyadda Soomaaliya kama aysan hadlin go’aanka uu Janaraal Qaalib xilkan isaga casilay waxaase la filayaa in badalkiisa la magacaabo.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa xalay sheegay in barnaamijka Taakuleynta ciidamada uu yahay mid lagu tayaynayo laguna dhiiragelinayo ciidamada qaranka.

 

Related posts

Diyaar Garoow Ka Socda Magaalada Hobyo Iyo Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Wajahan

Sakariye Sakariye

Maamulka iyo Howl-wadeenada k24 Waxa ay Tacsi Tiiraanyo leh u Dirayaan Ehelada Col Aadan Koronto

Tifaftiraha K24

TOP NEWS: Shir ay ka qeyb galeysay Wasaaradda Maaliyadda Jubbaland oo lagu soo gaba gabeeyay Magaalada….+Sawirro

Tifaftiraha K24