Somali News

Janaraal Koronto Salad Cali Jeele iyo Cali Geedi waa Rag soo fashilmay oo Faashiiste ah.

Taliyihii hore ee Qeybta 27-aad ee xoogga dalka Jen Koronto ayaa ka hadlay Xaaladihii ugu dambeeyey ee Magaalada Muqdisho iyo banaanbaxyada la hadal hayo inay ka dhici doonaan Magaaladaan.

Jen Koronto ayaa sheegay in Siyaasiyiinta u hadlay dowladda aanay aheyn dad matala dadka Banaadir ee ay yihiin kuwo horay u kala qeybiyay dadka oo taariikhdooda la haayo.

“nimanka xalay hadlay ee Siyaasiyiinta ah, Salaad Cali Jeelle iyo Cali Maxamed Geeddi waa nimanka kala qeybiyay dadka Banaadir oo horay uga soo fashilmay dalka inay maanta dowladda u hadlaan waa nasiib darro, dadkaas Banaadir kuma qancaan inay ku hadlaan oo ay ku soo horkacaan, waxay abuureysa waxyaabo horay loo iloobay in la soo xusuusto, Madaxweynaha waxaa loo qaadanayaa inuu raalli ka yahay, nimankaas mama talaan dadka Banaadir waa dad taariikhdooda qoran tahay oo dhibaatooyin u geystay dadkaan.

 

Related posts

TOP NEWS: Dhageyso Safarka Raisul wasaare Cumar Muxuu Salka ku haaya Madaxweyne Gaas ayaa ka jawaaba

admin

DEG DEG: C/Kariim Guulleed iyo Wafdi Wasiiro ah oo Goordhaw Gaaray Magaalada Galkacyo Maxaase hada Magaalada ka Cusub????

Tifaftiraha K24

Madaxweyne Farmaajo Iyo Madaxweynaha Putland Oo xalay kulan wada tashi ah ku yeeshay Garoowe

Ahmed sudani