Somali News

Jabhada Xoreynta Gobolka Awdal oo digniin culus u dirtay Maamulka Somaliland, kuna dhawaaqday dagaal.

Jabhada Xoreynta gobolada Awdal iyo Selel ee uu Hogaamiyo Suldaan Wabar ayaa markii u horeysay la hadashay warbaahinta, tan iyo intii ay Caasimada Online shaacisay dib u soo rogaal celintoodii.

Jabhada ayaa fariimo u dirtay dadka ku dhaqan gobolka Awdal, iyagoona luuqad adag kula hadlay xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi.

Dib u rogaal celintooda ayey waxay Jabhadu ku sheegtay inaysan waxba iska badali dulmigii ay hore uga qeyliyeen ee u baxeen, isla markaana looga baxay balamihii hore loola galay.

Jabhadan ayaa sidoo kale waxay sheegtay inaysan jirin Somaliland la wada leeyahay, balse ay tahay dowladd Sacad Muuse, oo duudsiisay waxyaabihii ay xaqa u lahaayeen shacabka Awdal.

Waxayna Jabhadu shacabka reer Awdal ugu baaqday inay hubka qaataan oo kala qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah xukuumada Biixi, iyagoona u digay Ajaaniib ay sheegen in ay ku sugan yihiin gudaha gobolka Awdal.

Jabhada Wabar ayaa sidoo kale waxay Mas’uuliyiinta xukuumada Somaliland ugu hanjabtay inay deg deg uga baxaan gobolada Awdal iyo Selel, haddii kale ay arrintaasi kala kulmi doonaan cawaaqib xumo.

Somaliland ayaa waxa sanadihii u dambeeyay ka dilaacay Jabhado badan oo ka soo horjeeda xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi, taasi oo loo aaneynayo tabashooyinka baahsan ee xukuumada Kulmiye iska dhago tirtay.

Related posts

MUUQAAL: Ganacsato turkiga u dhalatay oo kormeer ku tagay Dagmada Doolow( Maxay Tahay Qorshahooda?)

admin

Daawo: Ugaas xasan ugaas khaliif oo muqdisho looga yeeray maxaase ka ogtahay socdaalkiisa???

Tifaftiraha K24

Sawirro: Maxay Ka Wada Hadleen Ra’isul Wasaare Kheyre Iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Norwey oo Doha Kulan Ku Yeeshay?

Tifaftiraha K24