Somali News

Jaaliyada gobolka Ohio oo yeeshay Kulan lagu diidanyahay 4.5 (Sawiro)

Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Columbus Ohio ee dalka Maraykanka waxa ay yesheen kulan aad u balaaran oo lagu diidanyahay sii jiritaanka Nidaamka 4.5 ee dalka Soomaaliya.

Waxaa kulankan soo abaabulay Daladda Somali American Leadership Council ee fadhigeedu yahay Ohio.

Inta badan dadkii ka hadlay ayaa ku xeel dheeraaday in shacabka Soomaaliyeed in kabadan 14 sano ay ku soo jireen nidaamka 4.5 oo aha mid kala sareeysiinaya awooda iyo jiritaanka bulshada Soomaaliyeed oo ah bulsho ay dagaalo ragaadiyeen.

Masuuliyiintii ka hadashay Kulankan ayaa si cod dheer u canbaareeyay madaxda beesha caalamka ee arimaha Soomaaliya oo ay ku tilmaameen in ay diidanyihiin in Soomaaliya Cifato ama istaagto, maadaama ay ogolaadeen in uu sii jiro nidaam aan sharci iyo xisdi midna waafaqsanayn.

Waxay ugu baaqeen madaxda Soomaaliyeed in ay u turaan shacabka Soomaaliyeed isla markaana bad baadiyaan dalka iyo dadka iyaga oo u horseedaya nidaam cadaalad ku salaysan kana saaraya cadaalad daro.

Dhaliil ayay dusha uga tuureen u qeybsanaha Qaramada midoobay ee arimaha Soomaaliya Michael Keating oo ay ku tilmaameen nin aan aqoon badan u lahayn arimaha Somalia isla markaana ku deg degay go’aan ka gaarista xalka doorashooyinka Soomaaliya ee 2016 iyo sida loo wajahayo.

Waxaa lagu soo bandhigay goobta Halku dhigyo ka dhan ah nidaamka 4.5 iyo raga Qaramada midoobay u qaabilsan Somalia.IMG_2294 IMG_2292 IMG_2290 IMG_2286 IMG_2269 IMG_2263 IMG_2260 IMG_2250 IMG_2226 IMG_2222 IMG_2198 IMG_2194 IMG_2183 IMG_2165 IMG_2164 IMG_2153 IMG_2144 IMG_2130 IMG_22731

Related posts

Daawo: Dibad-bixii ugu horeeyay oo lagu taageeraayo go’aankii maxkamadda ICJ oo lagu qabtay Magaalada….

Tifaftiraha K24

Wararkii ugu dambeeyay doorashada Jubbaland.

admin

DEGDEG: Xukuumada Somaliya Oo geysay Ciidamo Booliis ah Degmo ka mid ah.

admin