Somali News

Itoobiya oo Marlabaad u gaftay Qaranimada Soomaaliya.

Wasaarada arrimaha dibeda ee Itoobiya ayaa mar kale waxaa bogeeda lagu soo daabacay qoraal gef iyo meel ka dhac ku ah dalkEENA Somalia.

Wasaarada ayaa soo daabacday liiska danjireyaasha u fadhiya caalamka, waxayna dalkeena u qeybisay Saddex dal oo sadex danjire ay kala fadhiyaan.

Danjiraha Itoobiya ee Muqdisho fadhiya marka laga soo tago, waxay dalalka ay ku leedahay Wakiillada Diblomaasiyadeed ku dartay Puntland iyo Somaliland.

Waa gefkii labaad oo todobaad gudihiis ka gasho qaranimada Soomaaliya, waxaana Dowladda Somalia waajib ku ah in ay ilaaliso Qarannimada Soomaaliya, wadajirkeeda dhuleed iyo sumcaddeeda.

HALKAAN KA AKHRISO LIISKA :

Related posts

DAAWO: Sheekh Umal oo Sheegay in Dhaantada ay Xaaraan tahay kuna baaqay in lajoojiyo Isticmaalkeeda.

admin

Nin Weeraray Xarun Hay’ad Ajnabi ah oo lagu qabtay Magaalada Baydhabo

Mohamed Abdirashid Abaajo

DAAWO: Magaalada Muqdisho oo laga Cabsi qabo in uu dagaal ka qarxo.

admin