Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Breaking News Somali News Top News

IGAD oo logu deeqay $17 Milyan oo dollar…

Danjire Maxbuub Macalim, oo ah Xoghayaha  Ururka IGAD u qaabilsan,fulinta iyo horumarinta Dowladaha Bariga Afrika iyo Agaasimaha Waakaaladda horumarinta Mareykanka ee isla Bariga  Afrika Carlin freeman ayaa magaalada Jabuuti ku kala saxiixday heshiis Deeq lacageed oo dhan $ 17milyan  oo ay Washinton u fidisay IGAD.

Sida ay soo warisay Waakaalada Wararka Islaamka Iina, waxaa deeqda lacagta ah ee la siyay IGAD, loogu tala galay in lagu maalgeliyo wax soo saarka beeraha , kaabayaasha kale ee dhaqaalaha ,bay’adda, isdhaxgalka, horumarinta bulshada iyo amniga ee Mandiqada IGAD.

Munaasabada saxiixa heshiiskaasi ayaa waxaa ka qeyb galay Danjiraha Mareykanka u fadhiya Jabuuti tom kailey iyo la taliyaha Qaanuunka ee Wakaalada horumarinta Mareykanka iyo masu’liyiin ka tirsan Xukuumada Jabuuti.

Related posts

DAAWO+XOG CULUS: Falaqeyn Xasaasi ah Khilaafka Kenya & Somalia Halista Ka Dhalan Karta

Mohamed Abdirashid Abaajo

War Hada ah: Warar kale oo dheeraad ah ayaa hada laga helaaya Dagaalkii Shalay ka dhacay Deegaanka Halgan

Tifaftiraha K24

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo Ku Wajahan Magaalada Baydhabo iyadoo dib loo soo celin doono…..

admin