Somali News

Howlgalo culus oo ka socda Gobolka Galgalgadud.

Ciidamada xogga dalka iyo kuwa Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa howlgallo ay ka sameeyeen deegaanno hoostaga Galcad la wareegay deegaanno hor leh oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Kornayl Axmed Maxamed Tareedishe oo ka tirsan saraakiisha ciidanka xoogga dalka oo ku sgan deegaanka Galcad ayaa Radio Muqdisho u sheegay in dhawaan ay la wareegeen deegaanno horleh, isla markaana ay iminka wadaan howlgallo ay ku xaqiijinayan tuulooyinka hoostaga Galacda ee ay ciidanka gacanta ku dhigeen.

Kornayl Tareedishe ayaa tilmaamay in dhawaan ay kulamo la qaateen qeybaha bulshada ee ku nool deegaanka Galcad, haatanna ay qorsheynayaan inay la kulmaan bulshada ku sugan tuulooyinka ay la wareegeen.

Kornayl Axmed Maxamed Tareedishe ayaa ka codsaday shacabka inay xoojiyaan la shaqeynta ciidamada xoogga dalka, si looga dulqaado dhibaatada ay ku hayaan argagixisada Al-Shabaab.

Related posts

War cusub: Horjoogihii alshabaab u qaabilsanaay qaraxyada oo isku soo dhiibay ciidamada xooga dalka ee ku sugan gobolka…..

Tifaftiraha K24

Daawo: Madaxweyne farmaajo oo soo cimreystay isagoona usoo duceeyay umadda soomaliyeed

Tifaftiraha K24

Akhriso: Ra’isul wasaare kheyre oo ka hadlay munaasabadda ciidanka xooga dalka soomaaliyeed ee maanta ku beegan

Tifaftiraha K24

1 comment

Comments are closed.