Somali News Top News Xulashada K24

HORDHAC: Qodobada Qarsoon ee Shirka Kismaayo iyo Natiijada ka dhalan karta

Iyadoo shalay ay magaalada kismaayo gaareen madaxda maamullada Galmudug Hirshabeelle iyo Puntland ayaa waxaa la filaya in maanta uu halkaa ka furmo shir u dhaxeeya hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada dalka.

Hoggaamiyaha Koonfur galbeed shariif xasan shiikh aadan oo aan weli tagin kismaayo ayaa lagu wadaa in uu barqanimada maanta tagay ka hor inta uusan shirka furmin maanta galinka hore.

Shirka oo uu codsaday axmad madoobe ayaa waxaa ay hoggaamiyeyaasha uga hadli doonaan khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe ee federaalka iyo maamulka jubbaland ee axmad madoobe uu haadaanta ka riday mudadii uu hoggaaminaayay.

Kismaayo xalay waxaa ka dhacay kulamo gaar gaar ah oo uu axmad madoobe la yeelanaayay hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada Puntland,galmudug iyo hirshabeelle isagoona dhammaantood ka codsaday in ay cambaareyaan dowladda federaalka soomalia.

Labada hoggaamiye ee waqtigooda uu dhammaaday waa C/wali gaas iyo Shariif Xasan shiikh aadan ayaa lagu wadaa in shirka ay ka sheegaan in ay la kulmayaan culeysyo xooggan oo dhanka doorashada uga imaanaya waxaana ay ka baqdin qabaan in markale dib loo dooran waayo .

Dhanke kale Madaxweyne xaaf waxaa uu cules ka heystaa deganaashiyaha maamulkiisa ka jira iyo khilaafka soo laab laabtay ee u dhaxeeya madaxda maamulka galmudug .

Sidoo kale madaxweynaha hirshabeelle maxamad cabdi waare qudhiisa waxaa ku furan buuq siyaasadeed, maadaama mooshin ay ka diyaariyeen xildhibaanada baarlamaanka maamulkiisa, kuwaasi oo dhaliilsan hogaankiisa.

Halkaan Hoose ka Daawo Muuqaalka warbxin xog badan ah

 

Related posts

war Deg Deg Ah Natiijadda Wareegga Labaad''Yaa Guuleeystay

admin

Al Shabaab oo Beenisay War kasoo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika

Mohamed Abdirashid Abaajo

Madaxweynaha Somaliya Mudane Farmaajo Oo U Ambabaxay Dalka Jabuuti.

admin