Arimaha Bulshada Breaking News Kaydka Wararka Xulka ah Maqaalo Maqaalo iyo Warar Somali News Top News Xulashada K24 XULASHADA TODOBAADKA

Top News: Soomaaliya waxay leedahay Wasaarad Arimo Dibadeed Lakiin Malahan Wasiir Arimo Dibadeed. Waxaa sidaasi Yiri ……..

Iyadoo Muddo sanad ah ay ku dhawdahay inta ay Shaqeynayaan Golaha wasiirada xukuumada Federaalka Ayaa durba waxaa soo baxayay Wasiiro aanan waxba ka Qaban shaqooyinkii loo igamaday kuwaas oo uu ugu Horeeyo Wasiirka Arimaha Dibadda ee Soomaaliya cabdi salaam hadliye cumar.

Hadliye oo horay Gudoomiye uga soo noqday bangigii Dhexe ee Soomaaliya musuq baahsan oo uu ku kacay Laguna soo eedeeyey darteedna Xilka looga qaaday Ayaa fajiciso Iyo Layaab ay ku noqotey Shacabka Soomaaliyeed markii loo magacaabay Wasiirka Arimaha Dibadda ee Soomaaliya.

hadliye majirto wax muuqda oo uu ka Qabtay Wasaaradaasi mudadii uu xilkan hayay taas badalkeedane waxaaba jira eedeymo badan oo loo soo jeedinaayo kuwaas oo ay ugu horeyso xiriir xumo uu ka dhex abuuray Dowladaha Caalamka Iyo Dowladda uu Wasiirka ka yahay oo ay ugu horeyso casuumado shirar muhiim ah oo loo soo diray Soomaaliya oo uusan soo gaarsiin madaxdii lacasuumay.

Sidoo kale hadliye ayaan Dowladaha Caalamka Aysan ku qancin qaababka uu shirarka Caalamka dalkiisa ugu matalo sida in uu khudbado aan munaasab aheyn kana tarjumeyn siyaasadda dalkiisa uu ka jeediyo shirkaasi.

Tusaale fudud Shirkii Wadamada Afrika Iyo china ee lagu Qabtay koonfur Afrika wasiir hadliye ma geyn madasha qorshe siyaasadeed cad oo ay shirkaasi uga qeyb galayaan sidoo kale Madaxweynaha Ayaa Kusigtay Inuu ka baaqdo shirkaasi kadib markuu wasaarada Arimaha Dibadda ka waayay qorshaha Iyo ajandaha shirka ay Soomaaliya kaga qeyb galeyso inkastoo markii dambe Madaxweynaha ay diblomaasiyiin Soomaaliyeed talo ku siiyeen Inuu shirkaasi ka qeyb galo bacdamaa ay ka baaqeen in ay xumaato xiriirka china Iyo Soomaaliya.

Muqdisho waxaa ku sugan diblomaasiyiin Iyo safiiro uu albaabada ka xirtay wasiir hadlyiye kuwaas oo wax badan Kusoo kordhin Lahaa siyaasadda Dibadda ee Soomaaliya, taas badalkeedane hadliye Ayaa xilal Aysan aqoon Iyo waaya aragnimo midna ulaheyn u dhiibay dhalinyaro xigtanimo uu wasaarada kukeenay kuwaas oo aan ka Xusi karno Madaxa xiriirka farsamada ee wasaarada oo lagu magacaabo liibaan wasiirkane uu adeer u yahay.

Diblomaasiyiinta Iyo safiirada Muqdisho ku sugan Ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Iyo Rai’sal Wasaaraha iney arinkan wax ka qabtaan iyagoo ugu baaqay in ay badalaan hadliye booskiisane lageeyo masuul Soomaaliyeed oo wax ka yaqaano Arimaha diblomaasiyada si bey yiraahdeen uu dib ugu soo laabto xiriirka sii xumaanaya ee ka dhaxeeya Soomaaliya Iyo Caalamka,

Sikastaba siyaasadda Arimaha Dibadda ee Soomaaliya Ayaa cagta saartay dhabicii dib u dhaca hadii Aysan Madaxda Soomaalida arinkaasi si degdeg ah wax uga qabane waxay falanqeeyayaasha Arimaha diblomaasiyada saadaalinayaan in Meesha hadda la joogo meel ka sii xun in lagaari doono iyadoo wanaajinta Iyo waxkaqabashada arinkaasine uu gacanta ugu Jiro Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isaga awalba keenay wasiir cabdi salaam hadliye

Related posts

Hey’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta iyo Maamulka Puntland oo kala saxiixdey.

admin

TOP NEWS: Dhageyso Dagmada Dharkenley oo Shil Argagax ah uu ka dhacay iyo 4 caruur oo wada dhashay oo la sheegay in ay….

Tifaftiraha K24

Top News: K24 oo heshey warqad ay ku qoron yihiin Liiska Xildhaano Puntland ka tirsan oo Madaxweyne Gaas Mooshin ka gudbiyey.

admin