Breaking News Somali News Top News Xulashada K24

Hargeysa:- Naciimo Abwaan Qorane oo Xabsiga laga siidaayay.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu sii daayay  Naciima Abwaan Qorane.

Ilo lagu kalsoon karo ayaa waxa ay xaqiijiyeen  maxkamadda gobolka Hargeysa oo dhawaan  saddex sanno oo Xabsi ah ku xukuntay Naciimo in  xabsiga Gabiley laga sii daayay ka dib cafis uu u fidiyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Aabbaha dhalay Naciima ayaa sheegay in uu  isaga la kulmay Madaxweynaha Somaliland islamarkaana uu u ballan qaaday in Gabadha xasbiga laga siideynayo.

Xarigga Naciima ee dabayaaqadii bishii Janaayo ayaa yimid kaddib markii ay ka soo noqotey safar ay ku tagtay magaalada Muqdisho, oo ay kaga qeyb gashey barnaamij ay qabaneysay warbaahinta TEDx.

Gabyaaga ayaa aheyd qof aan ka gaban doonitaankeeda midnimada Soomaaliya, taasoo ay ku muujisay qoraalo ay galisay baraha bulshada kuwada xiriirto ee Facebook-ga, iyo xafladaha la isugu yimaado.

Related posts

Daawo: Shaqaale ajaanib ah oo u gafay diinta islaamka ayaa laga masaafuriyay magaalada….

Tifaftiraha K24

Hogaamiyaasha Madasha oo isku Khilaafsan halka laga soo xulayo Xubnaha Aqalka Sare ee Khaatumo

Tifaftiraha K24

XASAASI: Israel Oo Ka Qeyb Qaadaneysa Arin Guud Ahaan Dhib Ku Ah Umadda Soomaaliyeed, Gaar Ahaana Dadka Reer Gedo Iyo Jubboyinka (Tolow Maxay Tahay???)

Tifaftiraha K24