Somali News

Hadii aad Jago doontahey ha isku salaamin Mucaaradka Xukuumada Somaliya?

Ibraahim Xasan Cawaale oo ka mid ahaa Musharaxiintii u tartamayay Kuraasta degmada Ceelbuur ka soo galaaya Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in uu kursigaas ku waayay sawir uu la galay Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Mucaaradka Xukuumadda.
 
Ibraahim oo la hadlay Warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay afar maalin ka hor inta aan la guda gelin xulidda kuraasta Baarlamaanka Galmudug ayaa lagu wargeliyay in lagu helay sawir uu la galay Xildhibaan Fiqi, sidaas darteed aanu kursiga Xildhibaannimo heli doonin..
Sidoo kale waxaa uu sheegay in dadka fariinta soo gaarsiiyay ay isugu jireen dad wakiilo ka ah Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo kala saarayay cida Xildhibaannimo loo soo xulayo iyo shaqsiyaadka loo arko in aanay taageersaneyn Xukuumadda ama looga shakiyo inay Mucaaradka Xukuumadda la safan yihiin.
 

Related posts

Maxaadan ogeyn oo Madaxweyne Farmaajo maanta ka sameynaya Magaalada garoowe?

admin

Dhagayso:- Maamulka Gal-mudug oo Heshiis Kadhex Wada Gobalada Mudug iyo Gal-Gaduud

Tifaftiraha K24

Kulan lagu taageerayay Madaxweyne Xasan Sheikh logana soo horjeedo Mooshinka ka dhanka ah oo Magaalada Denhaag ka dhacay…

admin