Somali News

Gudoomiyihii gobolka Banaadir Ing. Yariisow oo goor dhow geeriyooday.

Allaha u naxariistee waxaa isbitaal ku yaalla Magaalada Dooxa ee dalka Qatar ku geeriyooday guddoomiyihii gobolka Banaadir Eng: Cabdiraxmaan Cusmaan Yariisoow oo todobaad ka hor ku dhaawacmay qarax la sheegay in uu ismiidaamin ahaa oo ka dhacay xarunta dowladda hoose.

Ilo kala duwan ayaa xaqiijiyay geerida duqii Muqdisho oo dhaawc culus uu ka soo gaaray weerarkii ka dhacay xarunta maamulka Gobolka Banaadir,waxaana uu ka mid ahaa dad dhaawacooda loo qaaday dalka Qatar.

24-ka bishii hore ayay aheyd markii weerar ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir ay ku geeriyoodeen goddoomiyaal degmo Agaasimayaal sidoo kalana ay ku dhaawacmeen tiro kale oo uu ku jiray gudoomiyihii gobolka Eng: Cabdiraxmaan Cusmaan Yariisoow oo dhawacii soo gaaray maanta u geeriyooday.

Related posts

Dhageyso: Kumuu ahaay qof cawada lagu dhexdilay masjid gudahiisa weliba isagoo kitaab dhageysanaya xageese dilka ka dhacay?

Tifaftiraha K24

BREAKING: Madaxweyne Farmaajo oo Hadda ka dhoofay Magaalada Nairobi Wadankee ayuu ku wajahanyahay??

admin

Daawo Muqaal laga soo dubay Baqashadii gudiga difaca Barlamanka ay manta ku tageen Xerada Ciidamada Turkiga…

admin