Somali News

Gudoomiyaha Gobalka Mudug ee Puntland oo wacad ku maray in aan lacelin doonin Dhaqaale uga yimid.

Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland ayaa wacad ku maray in aan la celin doonin lacag uu maamulka ka helay Dowlada dhexe ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur Yare oo shir jaraa’id ku qabtay gaalkacyo ayaa gebi ahaanba beeniyay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegaya in magaalada Gaalkacyo loo diray ciidamo soo qab-qabta Guddiga dhismaha garoonka ciyaaradaha Cawaale Studium kadib markii guddigaasi ay lacag ka guddoomeen Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu beeniyay in Puntland ay Guddiga ku amartay in ay celiyaan lacagtii Raisul Wasaaraha Soomaaliya uu ku wareejiyay si loogu dhiso garoonka Ciyaaraha Cawaale Studium.

“Waxaan caddaynayaa in cid soo socota in aanay jirin cid timidna jirin lacagta Cawaalena aysan ku jirin lacagaha laga soo saaray sharciga ee ay tahay lacag la rabo mashaariicdii loogu tala-galay in lagu fuliyo” ayuu sii raaciyay guddoomiyaha gobolka Mudug.

Related posts

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo sheegay ina amaanka Muqdisho wax badan laga badali doono

Tifaftiraha K24

XASAASI: Shiikh Maxamad Shaakir oo Cod dheer ku sheegay in Laga guuray Magacii Ahlu-sunna loona Bedelay Galmudug

admin

TOP NEWS: Kooxo Hubeysan oo Xalay Dagmada Hodan ka geystay Fal Naxdin badan iyo Dadka Shacabka oo…

admin