Somali News

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo dhagax dhigay dhismaha Mashruuc cusub.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dhagax dhigay mashruuc degmada Kaxda oo lagu dhisaayo xarun Caafimaad oo bulshada si bilaash loogu adeego.

Mashruucan ayaa qeyb ka ah mid lagu hirgalinaayo iskuul ay caruurta si bilaash ah wax ugu bartaan iyo sidoo kale Masjid lagu cibaadeysto.

Guddoomiyaha degmada Kaxda Maxamed Yuusuf Maxamed ayaa Mashaariicdan la dhagax dhigay ka warbixiyay

Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir Aadan Sheikh Cali Fiidow ayaa isna tilmaamay in muhiimad gaar ah ay siin doonaan hirgalinta adeegyada aas aasiga ah.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa balan qaaday in maamulkiisa uu xoojin doono mashaariicda kor loogu qaadayo dib u dhiska caasimadda iyo soo celinta adeegyada bulshada.

    

Related posts

Wasaarada Gaashandhiga Somalia oo Arin la so dhaweyay ku tilabsatay..

admin

Gudoomiye Jawaari oo Fariin Adag u Diray Madaxda Maamul Gobaledyada

admin

Baardheere oo Howlgalkii Ugu Xooganaa ka Socda Iyadoo……

admin