Somali News

Guddoomiyaha Aqalka Sare Oo Guddi U Magacaabay Sharciga Doorashooyinka

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa magacaabay Guddi ka shaqeyn doona Sharciga Doorashooyinka qaranka oo dhawaan la horgeyn doono Xildhibaanada Aqalka Sare.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa lagu magacaabay Guddigan oo ka kooban 7-xubnood oo dhamaantood ka tirsan Mudanaaysha Aqalka sare.

Sidoo kale Guddigan ayaa ka shaqeyn doona sidii Aqalka Sare loo horgeyn lahaa Sharciga Doorashooyinka qaranka, iyagoona dood adeg ka yeelan doona sharciga.

Si kastaba Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan ansixiyay Sharciga Doorashooyinka qaranka.

Hoos ka Akhriso Magacyada xubnaha la magacaabay.

  

Related posts

Fariimo iska soo horjeeda oo ku aadan kulanka beri oo loo diray xildhibaanada baarlamaanka

admin

Guddooomiyaha Aqalka Sare oo Kashifay Sir u qarsooneyd Axmad Madoobe Eedeyn Kululna u jeediyay

admin

Dowladda oo ka hadashay kabixitanka Al shabaab ee Jamaame

admin