Somali News

Guddigii loo xilsaaray xasuuqii mareykanka ka geestay deegaanka bariire oo kulamo xasaasi ah la yeeshay…..

Guddigii Dowlada Soomaaliya u xilsaartay inay baaraan Dhacdadii Bariire ayaa gaaray deegaankaas sida uu Wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay wasiirka amniga Xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow oo ah gudoomiyaha gudigan.

Gudigaan ayaa u kuur galaya dhacdadii Jimcihii ka dhacday Deegaanka Bariire, waxayna wareysiyo la yeelan doonaan dadka deegaanka si ay u ogaadaan xaqiiqda.

“Ujeedada gudiga waa in ay ka keenaan xog dhab ah dhacdadii deegaanka ka dhacday, waxay la soo kulmi doonaan dadka deegaanka si ay u soo ogaadaan sida wax u dhaceen, sababta naloo xilsaaray waa inaan keenaa xaqiiqda”

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa Guddigan magacawday 26-da bishaan, waxaana loo qabtay mudo shan maalmood inay ku soo ogaadaan sida wax u dhaceen, waxaana u haray sedex maalin oo maanta ay ku jirto.

Related posts

TOP NEWS: Roobab lagu diirsaday oo laga soo sheegaayo in ay si wanaagsan uga da’een gobolada …..

Tifaftiraha K24

Xukuumadda Dalka Somalia, ayaa markii ugu horraysay Dalka ciraaq u magacowday safiir Haween ah.

admin

Dhageyso: Galmudug oo ku dhawaaqday in uu Bur buray Heshiiskii Galkacyo Xabad Joojintiina ay jabisay Puntland

Tifaftiraha K24