Golaha Shacabka oo manta kulankooda uga doodaaya.

0

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa la filayaa in maanta akhrinta labaad ay marsiiyaan sharciga shirkadaha ganacsiga dalka, kaas oo ay soo diyaarisay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Xubnaha Baarlamaanka ayaa ka doodi doono muhiimadda uu sharcigan u leeyahay ganacsatada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha giddiga ganacsiga Xildhibaan Maxamuud C/raxmaan (Beeni Beeni) oo Shabelle la hadlay ayaa sharraxay baahida loo qabo Hindise sharciyeedkaasi.

Fadhigan oo ah kii sideedaad ee golaha shacabka, islamarkaana qeyb ka ah Kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka ayaa Sabtidii la soo dhaafay u baaqday Kooram la’aan.