Golaha Shacabka Oo Kulan Ku Leh M/ Muqdisho

0

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku leh xaruntooda magaalada Muqdisho.

Kulankan oo ah kii 15-aad ayaa qeyb ka ah Kalfadhiga Shanaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya.

Ajendaha kulanka ayaa ah:

1.U codeynta heshiiska caalamiga ah ee naafada.

2.Warbixinta Khasaarooyinka loo geystey shirkadaha Hormuud iyo Somtel.

3.Akhrinta labaad wax ka bedelka sharciga Saxaafadda.