Somali News

Ganacsiga suuqa ugu weyn soomalia ee bakaaraha oo saakay dib u xirmay ( Ogoow Sababta?)

Ganacsiga suuqa bakaaraha saakay dib ayuu u xirmay waxaana suuqa gaaf wareegaya guddi ganacsato ah oo goobaha ganacsiga ku wargalinaya in ay xiraan oo ay midnimo muujiyaan.

Shalay ayaa inta badan goobaha ganacsiga suuqa bakaaraha dib loo furay balse saakay suuqa gabi ahaan waa uu xiranyahay marka laga reebo xarumo ganacsi oo farakutiris ah.

Weli lama xalin cabsshada ganacsatada waxaana muuqata in wasaaradda maaliyadda ay ku adkeysaneyso in ganacsatadu ay bixiyaan canshuuraha iibka .

Dhowr jeer ayey ganacsatadu la kulmeen wasiirka maaliyadda balse waalagu kala tagay sidoo kale ganacsatadu waxa ay la kulmeen ra’isul wasaaraha iyo guddoomiyaha gobolka banaadir waxaana labaduba ay u sheegeen in ay waajib tahay bixinta canshuuraha dalka.

Related posts

Madaxweyne Axmed Madoobe oo Muqdisho Lagu soo dhaweyeey

Tifaftiraha K24

Dhageyso Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay Waxa uu Salka ku hayo Safarkiisa Imaaraadka

admin

Top News: Maxaadan Ogeyn Oo Kenya Maanta Laga Soo Sheegayaa????

Tifaftiraha K24