Somali News

Ganacsato caan ka ah koofurta Somaliya oo lagu xirey magaalada Jowhar.

Ciidamada Booliska Hishabelle ayaa xabsiga u taxaabay qaar ka mid ah ganacsatada magaalada Jowhar ee Xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Ganacsatadan oo ku xiran muddo afar maalmood ah Saldhiga Booliska magaalada Jowhar ayaa la sheegin sababaha rasmiga ah ee loo haysto.

Raggan ganacsatada ah ee la xirey ayaa waxaa ka mid ah Yuusuf Colow Ceynta iyo Cali Gu’ Jire,sidoo kale waxaa boolisku ay xireen rag kale oo uu ka mid yahay Axmadey Kalahaad oo ka mid ah madaxda iskaashatooyinka gaadiidleyda Jowhar iyo Maxamed Cumar oo loo yaqaan Maxamadow.

Ganacsatada la xirey ayaan la geyn wax maxkamad ah iyagoo qaarkood ay xiran yihiin muddo lix maalmood ah,mana jirto wax war ah oo ka soo baxay ciidamada Booliska magaalada Jowhar.

Ciidamada Booliska magaalada Jowhar ayaa waday tan iyo markii qarax lagu diley Guddoomiye ku xigeenkii Arrimaha Amniga Maamulka Gobolka Sh/dhexe Muxumad Sugaal Cismaan.

Related posts

DEG DEG: Alshababaab iyo ciidamada dowladda oo hada dagaal culus uu ku dhexmaraayo deegaanka……

Tifaftiraha K24

TOP NEWS: Dhageyso Wasiirka Amniga oo Sheegay In Alshabaab ay ka dhinteen Tiro aan Macquul aheyn oo aad loola yaabay

Tifaftiraha K24

Faallo: Hogaamiye Dacaad ah ayaa Haga shacabkiisa…………..

Tifaftiraha K24