Somali News Top News

War culus:- Galmudug oo shaacisay in ay bilabayso so xulista Xildhibaanada Fadaralka..

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxtooyada Galmudug-Cadaado ayaa goor dhow soo gaaray warqabadka shabakadda Ceelhuur Online, waxa uuna ku saabsan yahay dib ugu laabashada Magaalada Cadaado ee Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, hadaba warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidan:

War-saxaafadeed
Cadaado, Jun 17, 2016
Madaxweyne Kuxigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Maxamed Xashi Cbadi ayaa manta Dib ugu soo laabtay Caasimada ku meelgaarka ah ee Galmudug maxadaweynaha ayaa waxaa soo dhaweyay Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Cali Gacal Casair Qaar kamid ah Golihiisa wasiirada iyo qaybaha Kala duwan ee Bulshada .

Madaxweyne kuxigeenka ayaa kawarbixinyay safardii uu ku tagay dalka Kenya iyo magaalada muqdisho Caasimada dalka asagoona sheegay in ay intii uu ku sugnaa dalka Kenya uu kulamo la yeeshay dowlado kala duwan iyo hay’ado isla markaana uu k ala hadlayay arimaha Galmudug waxa uuna sheegay in ay intabadan kala hadlayeen sidii Galmudug looga taageeri lahaay korna loogu qaadin lahaa amaanka Galmudug .

madaxweyne kuxigeenka ayaa sheegay in loo baahanyahay in kor loo qaado amaanka Galmudug silo gaaro hormar dhankasta ah waxaan kaloon arimo badan kala hadalnay hay’ado samafal iyo safaaradha Somalia dalalka caalamka ka jooga sidii ay Galmudug u garab istaagin lahayeen hormarinta dhaqaalaha , waxbarshada iyo baahinta dowlad wanaga .

sidoo kale muqisho ayaan kulamo dhowr ah kulayeelanay bulshada Galmudug iyo siyaasiyiinta Galmudug waxaan kaga warbixineynay halka Galmudug wax umarayaan iyo sidii deegaanka loo maalgashan lahaay .

Madaxweyne kuxigeenka ayaa sidoo kale sheegay in Galmudug dhawaan ay kabilaban doonaan soo xulista barlamaanka heer federal isla markaana Galmudug ay u diyaar garooday sidii doorashooyinkaas ay u qabsoomin lahayeen.

DHAMAAD

Mahadsanidiin

Maxamuud Cismaan Cabdulle

Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada Galmudug

Beereey2012@gmail.com

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo la kulmay Taliyaha Howlgalka Midowga Yurub.

Ahmed sudani

Daawo: Maxaadan ogeyn oo maanta dhexmaray ra’isul wasaare kheyre iyo saraakiisha ciidanka xasilinta caasimadda?

Tifaftiraha K24

TACSI: R/W hore DFS Dr, Saacid iyo Caasha Xaaji oo ka tacsiyeeyey geerida Maxamed Abshir Walde

admin