Breaking News Somali News

Gaas Oo Soo Saarey Ammar Degdeg Ah Oo Ku Aadan..

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo aad ula yaaban amni xumida kusoo korortay deegaannada Puntland, gaar ahaan magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, ayaa soo saarey ammar ku saabsan in isbedal amni la sameeyo.

Waxa uu Gaas ammar ku bixiyey in degdeg loo soo qabto raggii ka dambeeyey dilkii shalay magaaladaasi loogu geystay xeer ilaaliyihii maxkamadda ciidamada ee Puntland.

“Ciidamada ammaanka waxaa ku amrayaa in degdeg loo soo qabto dadkii ka dambeeyey dilkii Xeer ilaaliyaha, macquul ma ahan in Boosaaso maalin cad inta wax lagu dilo hadane la baxsado” ayuu yiri Gaas.

C/weli Gaas ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada laga doonayo iney soo caddeeyaan waxa ka jira in meesha lagu dilay xeer ilaaliyaha ay ku sugnaayeen ciidamo kale, walibana aaney waxbo ka qaban.

Related posts

XOG: Dhageyso” Axmad Madoobe” Caruurtii Puntland la dagaalamay 100 ka mid ah waxaa laga kaxeeyay..

admin

TOP NEWS: Dhageyso Nuxurka Qudbadii Madaxweyne Xasan Shiikh uu kula Hadlay dhalinyarada Soomaaliyed ee 15may U dabaal dageysa

Tifaftiraha K24

Dhageyso: QM oo laga Dalbaday in Xayiraada Hubka ay ka qaado dalka Soomaliya

admin