Somali News

Farmaajo oo ugu Dambeyn helay Shaqsiga uu u Magacaabayo Taliyaha nabad sugida

Xog gaara ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu Taliyaha cusub ee Nabad sugida Soomaaliya u magacaabayo Xuseen Cismaan Xuseen ‘Xuseen uur­kuus’.

Taliye Xuseen ayaa iska casilay Xilkan Taliska NISA kadib markii uu ku dhawaaqay inuu u tartamayo Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed, tan iyo markaasna Madaxweyne Farmaajo ma magacaabin Taliyaha Nabad sugida.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya oo Xogtan la wadaagay Badweyn ayaa sheegay in Wada tashiyadii ugu dambeeyay Madaxweynaha dalka uu la yeeshay madaxda dalka, iyadoona la isku afgartay in Taliyihii hore dib loo soo celiyay.

Xuseen Cismaan Xuseen oo loo yaqaan ‘Xuseen uur­kuus’ ayaa xilal kasoo qabtey dowladii AHN Cabdulahi Yusuf Madaxweynaha ka ahaa isagoo xukuumada Madaxweyne Farmaajo ka hayey shaqada wasiir ku xigeenka caafimaadka. Madaxa cusub ee NISA ayaa ka mid ah xildhibaanada aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya.

Uurkuus oo haysta dhalashada wadanka Canada ayaa waxaa saaxada siyaasada soo galiyey Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed isagoo heer Jamaacadeed ka gaarey Waxbarshada.

Jaamacadaha uu soo dhigtey ayaa ku kala yaala dalalka Kenya, Romania iyo Canada.

Related posts

Baarlamanka Soomaaliya oo markale lagu wado maanta in ay ka kulmaan mooshinka ka dhanka ah Baarlamanka Jubaland

admin

Daawo: Wasiirka amniga oo durbadiiba bilaabay arin lama filaan ah oo shacabka muqdisho ay soo dhaweeyeen

Tifaftiraha K24

XOG: Musharax Sh Shariif oo Heshiis Isbahaysi ah la helay Labada Musharax ee ugu Cad Cad Beesha Daarood.

admin