Somali News

Farmaajo oo maanta lafilaayo in uu Baarlamaanka ka codsado in lajoojiyo Mooshinka iyo arrimakale

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta furaya kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka Federaalka

Xafladda furitaanka Kalfadhiga Baarlamanka Soomaaliya ayaa kaa dhaceysa Dugsiga Sare ee Tababarka Booliska  Gen. Kaahiye, oo loo wareejiyay kulanka furitaanka, sababo aan la sheegin dartood.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu khudbadiisa uga hadli doono 1) xaalada dalka, 2) mowqifka dowladiisa ee arrimaha xasaasiga ah sida: Heshiiskii Maamulka Soomaliland ay Imaaradka ku siiyeen Saldhig milateri iyo Dekadda Berbera oo mooshin ka yaallo iyo 3) Mowqfiska Dowladda Soomaaliya ka qaadatay khilaafka ka dhaxeeyay dalalka Khaliijka.4- Arinta ugu weyn ee madaxweyne Farmaajo uu ka hadli doono ayaa ah in la joojiyo Mooshinka ka dhan ah RW Xasan Cali Kheyre iyo xukumadiisa.

Madaxweyne Farmajo ayaa culeysyo badan oo siyaasadeed soo food saareen toddobaadyadii ugu danbeeyay, iyadoo madaxda maamul Goboleedyada ay noqdeen halista ugu weyn ee heysata, waxaana lagu wadaa inuu khudbad culus oo is difaac ah jeediyo.

Xildhibaano badan ayaa is bedelay afartii bilood ee ka danbeysay doorashada Madaxweyne Farmaajo, waxaana la hadal hayaa Mooshinino kala duwan oo looga horjeedo dowladda.

 

Related posts

Madaxweynaha maxmadda caddaalada adduunka Cabdiqawi oo Markii ugu horeysay Ka Hadlay Dacwada Badda Somalia iyo Kenya

admin

XOG: Maxay tahay Sababta uu Axmad madoobe u Joogo Magaalada Jig Jiga Xili C/Kariim Guulled uu..

admin

DEG DEG: Wasaaradda Amniga oo sheegtay in ay dheemish ahaayeen madaafiicdii muqdisho laga maqlay

admin