Breaking News Somali News Top News

Farmaajo iyo Axmed Madoobe oo ku Heshiiyay in Ciidanka Kismaayo ku Xaraysan Muqdisho lageeyo.

Ayada oo Magaalada Muqdisho uu ka socda shirka Maamul Gobaleedyada iyo midka Federal-ka ayaa waxaa sidoo kale si gooni gooni ah usocda shirar ay yeelanaayaan Madaxweyne Farmajo iyo Madaxweynayaasha Gobalada qaar sida Madaxweynaha Jubbaland iyo Midka Putland.

Madaxaweyne Muxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa yeeshay shir saacada badan socday kaasoo daba joogay shirar ay horay u yeesheen labada masuul mararna dhinaca Telephone looga wada hadalay taas oo aheed sidii ciidamada ku xaraysan Kismaayo ee Beesha Sade loo keeni lahaa Magaalada muqdisho.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku xiray wada shaqaytiisa Maamulka farmaajo in marka hore lasoo dhaafiyo ciidamada faraha badan ee ku xaraysan Jaamacadda Magaalda Kismaayo iyo qayba kale oo magaalada kamid ah kuwaas oo hadii la fasaxa keeni karta in maamulka axmed madoobe daacad unoqon wayaan ama wada shaqayn waayaan.

Madaxweyne Farmaajo oo aqbalay ciidankaas oo tiradiisu gaaraysa sadax kun (3,000) oo askari ayaa door biday in cidankaas uu keeno muqdisho si ay ooga qayb qaataan amniga iyo xisilinta magaalada muqdisho.

Oday dhaqameedyada Beelaha daga Muqdisho iyo Siyaasiyiinta qaar ayaa arrinkaas ka biyadiidsan inkastoo aysan cid wali si cad uga hadlin hadana Magaalada Muqdisho ma ahan mid manta u bahan in Ciidan la keeno oo ayadaba ciidan la  ciir ciiraysa,

Beesha Sade oo leh labo qaybood qayb Ciidanka la soo diri doono ayaa si adag ugu hortimid in ciidamadaan loo masaafuriyo Muqdisho Kadibna si dadban loogu isticmaalo dhaqdhaqaayada iyo dagaalada ka jira magaalada muqdsho ayada oo la ogyahay in Al-shabaab haystaan intabadan Gobalada Jubooyinka.

Hada kahor ayay aheed markii uu Madaxweynihii hore Cabdullahi Yuusuf Axmed uu sidaan oo kale uu ciidama kasocda Putland uu keenay muqdisho taas oo ay ka dhalatay kala shaki iyo xasilooni daro ugu danbeentina sababtay in ciidamadaas sigaar ah loo bartilmaamedsado waxna ay soo kordhin waayaan.

Axmed Madoobe ayaa arinkaa ka leh labo ujeedo wa mida kowaad ee in Ciidamada Badan ee Beesha Sade ee ku sugan  Xeryaha Ciidamada Kismaayo uu isi soo dhaafiyo  wa mida labaad ee in Ciidan ka socda Jubbaland oo asaga Matalaya ay ku sugnaadaan Magaalada Muqdisho taas oo uu u arko in ay siyaadinayso misaankisa Siyaasadeed.

 

 

Related posts

War Cusub: Shaqo ka Fariisin Lagu Sameeyay In ka badan 586 Ka dib Markii lagu Helay in ay……

Tifaftiraha K24

Dhagayso:- Waxgaradka Jubbooyinka” Nabada Gaalkcyo Halaga Shqeeyo”

Tifaftiraha K24

Waasidee Maantay Xaalada Magaalada Gaalkacyo Maxaase Ka socda oo aadan ogeyn

gurey