Somali News

FAALLO : Maxaan Ku Arkay Mudisho Book Fair Maxaanse Ka Bartay?

thumbnail_ggg

Waqtigu wuxuu ahaa goor subax ah saacadduna ku beegan tahay tobankii subaxnimo  goobtu waxay ahayd Hotel  City Palace waxaa ka socday Carwada  dabshidka magaalada Muqdisho.

Waxaa  aad iisoo jiitay oo dareenkeyga kiciyey  farxadda  dhallinyarada  iyo waxa meesha ka socday qoreyaasha Soomaaliyeed dhamantood waxay ahaayeen kuwo aad la dhacayso niyadsamida  iyo isjacaylka  ka muuqda.

Waxaan ka dhaxlay murti iyo  aqoon  waxay ahayd markii igu horeysay ee aan ka qeybgalo dabshid nuucaan oo kale ah kaasoo sida ka muuqata loo soo agaasimay si qurux badan oo indhihii arka aysan eegmada goobta munaasabaddu ka dhacayso ka daaleyn.

Qoreyaasha waxay ka kala yimadeen daafaha  calamka, gobollada dalka iyo magaalada Muqdisho dhammaantoodna  waxay ahaayeen hal-abuurro mid kasta dareen gaar ah leeyahay.

Qoreyaasha isaga kala yimid dalka gudihiisa iyo dibaddiisa qoraagii ugu da’da yaraa waxay ahayd gabar aniga si gaar ah saameyn xanuun leh igu reebtay, waxaa hal mar isbedeley dareenkeyga aadna ii gilgilay markii gabadhaas  ay aabaheed ku casuuntay  inuu qaato buugga ay qortay oo ay goobta ku soo bandhigtay.

Gabadhaas walaashey ah ee xigmadda iyo hibada leh waxay igu abuurtay dareen mudaba iga dhex guuxayey kaasoo xambaarsan mawjado murugo ah oo dhammaantey  I bedeley  sababtoo ah aniga nasiibka iyo waayaha adduunka ima siin inaan aabahay laabta geliyo, waxaan dareemay kelinimo.

Illintu igama dhammaan illaa ay qoyso dhabanadeyda una sii gudubtay jirkeyga intiisa kale waxa keliya ee ii muuqdayna waxay ahayd jacaylka aan u qabay aabahay iyo inaan ahay maanta gabar aabbaheed uusan dunida joogin halkaasna ku weysay garab weyn oo wax badan ka caawin lahaa.

Inkastoo aabbahay aan waayey haddana nolosha kama rajo dhigin oo waxaa jira dad badan oo ila mid ah kuwaasoo ku jira xaaladda murugada badan ee aan ku noolahay waxaanse mar kasta nafteyda ku qanciyaa qadarta Alle taasoo ay tahay in ruuxa muslimka ah uu ku qanco.

Dadka hareeraheyga fadhiyay waxay I leeyihiin maxaad la oyday  waxaan ku iri qaarkood gabadha yar qoraalkeeda ayaa isoo jiitay, waxaa Iyana  jirty Naciima oo ka timid Hargeysa Naciima waxay na dareensiisay qiimaha ay leedahay  wadaninimada  waxaan moodayba inaan joogo meel kale waxaa I qaaday qiiro markii dhageyheyga ay soo gaareen  hadalladii ay goobta ka soo jeedisay kuwaasoo ay ka buuxeen waddaniyad iyo dal jacayl.

Waxaan ogaaday in dadka Soomaaliyeed aysan meel fog kala jirin laakiin ay kala xirxireen oo keliya siyaasiyiin danahooda ka dhex arkay kala fogeynta ummadda Soomaaliyeed ee isjecel sababtoo ah qof kasta oo joogay madashii Muqdisho Book Fair waxaa maskaxdiisa xanuun ku reebay dareenka wadaniyadeed eek a muuqday dhammaan kasoo qeybgalayaashii munaasabadda

Muhiimadda gaar ah ee goobtaas aan ka bartay waxay ahayd  in dhallinyarada Soomaaliyeed ay u baahan yihiin hoggaan daacad ah oo ku haga dariiqa waddniyadda iyo Soomaalinimada waxaana qof kasta oo goobta ka hadla uu si dareen leh uga hadlayey waxtarka ay leedahay in dib loo helo ummadda Soomaaliyeed oo isku duuban una jiheysan wax wada qabsi iyo horumar la gaarsiiyo dalkeenna burburka ku jiray in ka badan 20 sano.

Guud ahaan bandhiggii Muqdisho Book Fair waxaan kala soo hoyaaday farxad iyo waaya aragnimo I dhaxalsiisay inaan wax badan oo aanan horey u ogeyn aan halkaas ka ogaado, waxaas si gaar ah maskaxdeydu usoo celineysaa dhammaan   qoreyaashii hibadooda wax curis amah al-abuur halkaas ku soo bandhigay iyo sida ay noola wadaageen dareenkooda dhabta ah .

Nafteddu waxaysan marnaba hilmaami doonin wiil  ka yimid magaalada Ceergaabo oo sida uu sheegay loogu sheekeyn jiray in magaalada  Xamar ay tahay meel qatar badani ka jirto oo aan la imaan karin islamarkaana ruuxii soo caga dhigta uu wajahayo halis nololeed.

Wiilkaas wuxuu ka sheekeeyey sida uu isu bedeley dareenkiisa markuu yimid  Muqdisho iyo wuxuu kala kulmay iyo wixii looga sheegi  jiray, ugu dambeyn wuxuu ka sameeyey Muqdisho gabay  ka hadlaya horumarada iyo nolosha  quruxda badan ee ka jirta waxaana gabaygaas uu ku ammaanay guud ahaan sida ay Muqdisho horumarka dhinac kastaba leh u sameyneyso

Muqdisho magaalo madaxdeena

Magacii dalkeena wanaajiya

Muqdisho

Mudnaantii dalkeena hagaajiyaay

Sida miraha luulkaa

Mawjadaha badweyntaa

Ka dhex muuqataa

Dhexdooda

Muqdisho magaalo madaxdeena

Fahma Xasan Gabax

Fahmahassan@gmail.com

0617628617

 

Related posts

Sh Shariif :- Madaxda Qaranka Hogaaminaysa Afartii sano ee la soo dhafay wa danbiileyaal.

admin

Dhageyso: Maxamed Gaarane” UNHCR Waa In Ay Suxufiyiinta Soomaaliyeed Wadamo Kale U Soo Qaado, Maadaama Ay Kenya Xuquuqdoodii Ku Tumatay”

admin

DEGDEG: Qarax kadhacay goordhaweyd Magaalada.

admin