Somali News

Faahfaahin: Khasaaro Culus oo laga soo sheegayo Diyaarada Ethiopian Airline ee Burburtay

Diyaarad rakaab ah Ethiopian Airlins oo nooceedu ahaa Boeing 737 oo ka duushay garoonka diyaaradaha magaalada Addis Ababa kuna sii jeeday magaalada Nairobi ayaa burburtay lix daqiiqo kadib markii ay hawada ku jirtey.

Rakaab gaaray 149 ruux iyo siddeed shaqaalaha diyaarada ah ayaa saarnaa waxaana la rumeysan yahay inay dhammaantood geeriyoodeen.

Afhayeen u hadlay dowlada Ethiopia ayaa sheegay in diyaarada ay burburtay 08;44 kadib markii ay ka duushay caasimada Ethiopia.

Dadaalo lagu doonayo in lagu helo burburka diyaarada ayaa bilowday balse lama oga in ay jiraan dad ka badbaaday burburka diyaarada.

Ra’isul Wasaaraha Ethiopia ayaa ahaa qofkii ugu horeeyay ee ka hadla burburka diyaaradaha waxana uu tacsi u direy dadkii ay ka geeriyoodeen rakaabka iyo shaqaalaha saarnaa diyaarada.

Related posts

Sawirro:- Beesha Sade oo ku baaqday Kenya in ay joojiso Duqeymaha ay ka wado Gedo ee shacabka lagu bartilmaameed sanayo

admin

Guddoomiye kuxigeenka shirka Maamul u sameynta Gobollada Dhexe Maxamed Xaashi oo sheegay in Beesha Sade ay…

admin

TOP NEWS: Sarkaal sare oo ka tirsan Hey’adda Nabad Sugida oo Galabta lagu dilay Dagmada Waabari+Magaciisa

Tifaftiraha K24