Somali News

FAAH FAAHIN: Nabaddoon lagu dilay magaalada Kismayo iyo dibedbax looga soo horjeedo dilkiisa.

Nabaddoon Siciid Ciise Cabdi oo ku magac dheeraa “Saciid Adoon” kana mid ahaa ganacsatada magaalada Kismaayo ayaa u dhintay dhaawac kasoo gaaray toogasho xalay ay u gaysteen kooxo hubaysan oo aan haybtooda la garanayn kuwaas oo beegsaday xilli uu kasoo baxay masjid uu kusoo tukaday salaadda cishe.Nabaddoon Siciid Ciise Cabdi oo ku magac dheeraa “Saciid Adoon” kana mid ahaa ganacsatada magaalada Kismaayo ayaa u dhintay dhaawac kasoo gaaray toogasho xalay ay u gaysteen kooxo hubaysan oo aan haybtooda la garanayn kuwaas oo beegsaday xilli uu kasoo baxay masjid uu kusoo tukaday salaadda cishe.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen ayaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaana dadka reer Jubbaland uga tacsiyeeyey dilka ganacsadaha.
Afhayeenku wuxuu sheegay in laamaha amniga Jubbaland ay wadaan baaritaanno lagu baadigoobayo dhagarqabeyaashii ka dambeeyey dilka.Bishan October 3-deedii ayay ahayd markii Nabadoon Axmed Jaamac Maxamuud Qalyar uu u geeriyooday dhaawac bishii hore ee September loogu geystay gudaha magaalada Kismaayo.
Dhanka kale dibedbax looga soo horjeedo dilka nabaddoonkan ayaa saakay ka dhacay magaalada Kismaayo, waxaana ay wararku sheegayaan in qaar ka mid ah dibedbaxayaasha ay xabsiga dhigeen ciidanka amniga magaalada Kismayo.V

Related posts

Top News: IGAD oo runta u sheegey Puntland Iyo Ahlu-sunna!!!

admin

Ergey Ka socota Soomaaliya Oo Ku sugan Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ.

Ahmed sudani

SAWIRRO: Ugu Danbeyn Waxaa Uu Ku Qancay In Uu Dabo Socdo Madaxweynihiisa Xaaf.

admin