Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Somali News

Faafaahin ku saabsan Dagaal Kharaar oo Ciidamada Dowladda Iyo Alshabaab ku dhexmarey Gobolka Hiiraan.

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Somaliya dagaal u dhaxeeyay ciidamada Dowladda iyo kuwa Shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Ceelgaras ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalkaan oo sida la sheegay saacado badan qaatay ayaa wuxuu yimid kadib markii ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ay ku baxeen Shabaab la sheegay inay soo galeen xalay deegaanka Ceelgaras ee Gobolkaasi.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom oo saaka ku baxay Ceelgaras, ayaa wadada waxaa u galay ciidamo ka tirsan Shabaabka, waxaana halkaasi ku dhexmaray dagaal saacado badan qaatay, sida ay soo sheegayaan Suxufiyiinta ku sugan Gobolka Hiiraan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dagaalkaasi lagu dilay labo Askari oo ka tirsan ciidamada Dowladda Somaliya, waxaana sidoo kale jira Khasaaro Shabaabka soo gaaray, balse lama oga Shabaabka inta uu la eeg yahay Khasaaraha soo gaaray.

Sidoo kale wararka waxa ay sheegayaan in gaari dagaal ciidanka Dowladda dagaalkaasi looga gubay, balse ma cadda wararkaasi.

Saraakiisha ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom weli kama aysan hadlin dagaalkaan saacadaha badan qaatay ee maanta Shabaabka iyo ciidamada Huwanta ku dhexmaray meel ku dhaw deegaanka Ceelgaras ee Gobolka Hiiraan.

Xaalada goobihii lagu dagaalamay ayaa ah kuwa degan, oo waxaa la soo sheegayaa in ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ay ku sugan yihiin goobihii lagu dagaalamay.

Related posts

Wasaaradda maaliyadda oo muqdisho ku qabatay shir ay ka qayb galayaan Sagaal Wasaaradood iyo…..

Tifaftiraha K24

DEGDEG: Madaxweynaha Faransiiska oo Kacodsadey Dowlada Shiinaha in ay kusoo biirto isbaheysiga Badbaadinta Mustaqbalka Aadamaha.

gurey

Akhriso: K24 oo si Hordhac ah u Heshay Qodobada Xasasiga ah ee Looga doodaayo Shirka Madasha Qaran ee Maalintii ka socda Magaalada Muqdisho

Tifaftiraha K24