Somali News

Eng.Raage”C/weli Gaas hadalka uu Reer Waaciye ku yiri waa Hadalkii Reer Qardhood ee Colaada Xangay dhex dhexaad halaga Ahaado”

Wasiirkii Hore ee Wasaarada Dekedaha,Gaadiidka Badda iyo La Dagaalanka Burcad Badeeda Puntland Eng.Siciid Maxamed Raage ayaa si adag uga Jawaabay Hadal kasoo Yeeray Madaxweynaha Puntland Mudane.C/weli Maxamed Cali(Gaas) hadalkaas oo ahaa in deegaanka Xangay loo Daayo C/risaaq Aloore oo halkaas malayshiyo beeleed ku aruursaday si uu uga baarto Macdan iyo Kheyraad Dabiici Ah.

Eng.Raage oo ka hadlay Munaasabadii uu C/weli Gaas hadalkaasi ka yiri ayaa yiri”C/weli Gaas hadalka uu Reer Waaciye ku yiri  waa Hadalkii Qardhood ee Arimahan dhex dhexaad halaga Ahaado”

Deegaanka Xangay ayaa Waxa isku Hor fadhiyo labo Ciidan oo kasoo kala jeeda Degmooyinka Qardho iyo Waaciye,iyadoona labada dhinac ba ay u kala imaanayaan Gurmad dheeraad ah,iyadoona uu meesha ka baxay doortii Dowlada Puntland ee Tabarta daran.

Dhanka Warar Si Hoose Warbaahinta Raadreeb.com ay u heshay ayaa sheegaya in Mashruuca Xangay ee Macdan qodista iyo Deegaamaysi uu si hoose ula socdo Madaxweyne Gaas,iyadoona Dhanka Macdan Qodista uu Saami Qeybsi ka Yahay Madaxweynuhu.

Related posts

Daawo sidii ay u dhacday doorashadii Madaxda Madasha Wadatashiga iyo Midnimada +Vidoe

admin

Taliyaha Cusub ee Ciidamada AMISOM oo sheegay inuu Mudnaanta Koowaad siin doono bur burinta Al-Shabaab

Sakariye Sakariye

AMISOM oo mar kale dad shacab ah ku laayey Magaladda Marka.

admin