Somali News

Duqeyn ka dhacday Gobolka Bari ee Maamulka Puntland.

Wararka Idacada dalsan ee magaalada Muqdisho ay ka helays deegaano ka tirsan Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in halkasi ay ka dhacday duqeyn diyaradeed oo khasaare geysatay.

Dadka deegaaka ayaa sheegay in Fidkii hore ee xalay a duqeyni ka dhacday Buuraleyda Calmadow ee Gobolka Bari oo ay ku sugnayeen Alshabaab isla markaana ay maqlayeen jug culus oo dhacaysay.

Duqeyntaan ayaa ka dhacday deegaan Madarshaan oo ku yaalla dhulka buuralayda ah ee gobolka Bari ee Puntland isla markaana dhowr KM u jira magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in duqeyntaas lagu dilay xubno ka tirsan Alshabaab oo ku sugnaa deegaanka Madarshaan in kasta oo ilaa iyo haatan aysan jirin cid xaqiijin karta khasaaraha rasmiga ah eek a dhashay duqeyntas.

Duqeyntaan ayaa ku soo adeysa kadib markii shalay ciidamo ka tirsan maamulka Puntland qarax Miino lagula eegsaday nawaaxiga dhulka Buuralayda ah xili ay ku socdaalayeen gaadiid nooca dagaalka ah.

Related posts

XOG DEG DEG AH: Xildhibaano uu soo qasbay general Gabre oo Hada lagu xareeyay Hotelka SYL iyo kulan xasaasi ah oo socda+Sawirro

Tifaftiraha K24

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Gaalkacyo ku qaabilay Wufuud caalemi ah

Tifaftiraha K24

Itoobiya oo si rasmi ah u shaacisay saamiga ay ku leedahay Dekadda Ber bera & Waqtiga uu fulayo

admin