Somali News Top News

Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray Duulimaad Cusub oo isku xiraya Muqdisho iyo Addis Ababa

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xariga ka jaray Duulimaad cusub oo isku-xiraya Muqdisho iyo Addis Ababa.

Shirkadda Duulimaadka ee National Airweys ayaa bilaabaysa duulimaad toos ah oo isku xiraya labada Caasimadood ee Soomaaliya iyo Ethiopia.

Duqa Muqdisho ayaa furitaanka kadib, tilmaamay in duulimaadkani uu yahay kii ugu horreeyey muddo afar sanno ah ee si ganacsi ah iskugu xiraya labada dalka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa boggaadiyey ganacsatada ka shaqeysay howshan, isagoo xusay in tallaabadani ay wax weyn ka tarayso isku xirka labada dalka iyo horumarka ganacsiga.

“Duulimaadkan isku xiraya Addis Ababa iyo Muqdisho waa mid baahi-weyn ay u qabeen shacabka Soomaaliyeed, waxaa ammaan iyo boggadin mudan dadkii ka shaqeeyey howshan, ka maamul ahaana waxaan mar walba garab taagannahay cid walba oo horumarka Caasimadda ka shaqaynaysa”.

Sidoo kale, waxaa munaasabadda furitaanka hadallo ka jeediyey qaar kamid ah Wasiirrada Xukuumadda, Xildhibaanno, odayaal, Siyaasiyiin, Ganacsato iyo qeybaha bulshada ee lagu casuumay munaasabadda, kuwaas oo dhammaantood boggaadiyey duulimaadkan cusub ee isku xiraya Muqdisho iyo Addis Ababa.

Related posts

WAR DEG DEG AH:-Madaxweyne Siilaanyo oo Ku Dhawaaqay Arin La Yaab Noqotay Maanta Waxii Ka Dambeya Anigu Maahi…

admin

Dowladda Soomalia oo Sheegtay in Duqeyn ay ku dishay Dagaalamayaashii ugu badnaya oo Shabaab ah

admin

DEG DEG: Dowladda soomalia oo war cad ka soo saartay xasuuqii bariire iyo meydadka oo la aasayo

Tifaftiraha K24