Somali News

Duqa degmada Gaalkacyo Xirsi Yuusuf Barre oo gaashaanka udaruuray Xilka Qaadista lagula kacay.

Duqa Magaalada Gaalkacyo ayaa kasoo horjeestay warqad xalay kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle ( Xaaf) taas oo xilka looga qaaday Guddoomiyihii magaalada sidoo kalana lagu kala diray mas’uuliyiinta degmada.

Duqa degmada Gaalkacyo Xirsi Yuusuf Barre ayaa sheegay in xilka qaadista Madaxweyne Xaaf aan waxba ka jirin,isla markaana uu yahay Guddoomiyaha saxda ah ee Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug,waxaana duqa magaaladu uu ku sugan yahay magaalada dhuusamareeb ee xarunta Gobalka Galgaduud, isagooo ka mid ahaa mas’uuliyiin shalay dhuusamareeb kusoo dhaweeyay murashax Qoor-qoor oo ah musharrax u taagan xilka madaxweyne Galmudug, waxaana Qoor lagu xagliyaa in Dowladda dhexe ay wadato, waxaana jirta xaaf In uu khilaaf xooggan kala dhexeeyo Dowladda dhexe.

Waxaan la ogayn sida xaaf ay ugu dhaqan gali doonto warqadda uu sooraay ee uu masuuliyiinta xilka uga qaaday iyo tallaabada xigta ee uu qaadi doona, maadddama ay warqaddiisii dhaqan gali weyday.

Xaaf ayaa si xooggan uga soo horjeeda Dowladda dhexe waxaana culuys xooggani uu ka saran yahay doorashada Galmudug oo sida muuqata u kala jabtay laba qaybood, waxaana xaaf uu qaadacsan yahay sida Dowladda dhexe ay u maamulayso doorashada kasocota dhuusamareeb.

Related posts

Dowlada Kenya oo dagaal ka dhan ah Al Shabab, ku qaadeysa keymaha xeebaha ay wadaagaan somaliya iyo Kenya

admin

Madaxweyne Xaaf oo xilkii ka qaada.y wasiir ka tirsan Maamulkiisa

admin

Beesha Cabdilaahi Maxamuud Aw-Cismaan oo Tacsiyadeysay Geeridii wasiir Udowlihii wasaaradda caafimaadka Puntland

Tifaftiraha K24