Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Somali News Top News

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in Qarax Qorsheysan uu ka dhex dhacay Diyaarada Daalo

Xukuumadda Soomaaliya ayaa goor dhow ku dhawaaqday natiijo horu dhac ah oo ku saabsan baaritaankii Diyaaradda Daallo Airline, kadib markii 2-dii bishan uu gudaha Diyaaradda ka dhex dhacay qarax.

Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Duulista Hawada Cali Axmed Jaamac Jangali  oo shir jaraa’id ku qabtay Madaxtooyada ayaa sheegay in cilad farsamo aanay aheyn waxa ku dhacay Diyaaradda Daallo, balse ay aheyd qarax ula kac ah.

“Waxaa dooneynaa inaan idinla wadaagno natiijada ka soo baxday baaritaanka qaraxii diyaaradda Daallo Airline, markii hore tuhumo ayaa jiray, waana baareynay, waxaa idin sheegeynaa in diyaaraddaas ku socotay Jabuuti oo siday 74 rakaab ah iyo todobo shaqaale ah in loo adeegsaday walxo qarxa”ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Duulista Hawada Cali Axmed Jaamac Jangali.

Mr Jangali ayaa sheegay inuu wali socdo baaritaanka, isla markaana natiijadan ay tahay mid horu dhac, waxaana uu xusay in baaritaanka ay ka qeyb qaateen qubaro Soomaali iyo kuwa caalami ah.

“Baaritaanada dheeraadka ah waxa ka qeyb qaatay Khubaro Soomaali iyo kuwa Caalami ah, waxaa idin xaqiijineynaa in waxa ka dhacay uusan aheyn cilad farsamo, balse uu ahaa qarax loogu tala galay in lagu waxyeeleeyo diyaarada iyo rakaabkii saarnaa, Ciidamada Amniga waxay gacanta ku dhigeen dad ku lug lahaa qaraxa diyaadaha ka dhacay”ayuu yiri Mr Jangali.

Sidoo kale Wasiirka ayaa ku wargeliyay dadka ka dhoofa, kana soo dega Garoonka diyaaradaha in lagu soo kordhiyay garoonka tallaabooyinka amniga lagu adkeynayo, isagoo ugu baaqay shacabka in Hey’adaha ammaanka gacan ku siiyaan sugida amniga.

Related posts

Dhageyso: Dood xoogan oo  Ka Taagan Dhul Ay DF Ku Leedahay Talyaaniga.  

admin

Daawo: Magaalada kismaayo oo noqotay Magaaladii labaad oo ay ka dhaceen dabaal dagyo xoogan oo farmaajo lagu taageeraayo

Tifaftiraha K24

XOG: Imaaraadka Carabta oo Aqbalay Codsi uga yimid Dowladda Soomalia iyo Mucaaradka oo ku gacan jira.

admin