Arimaha Bulshada Somali News

Dowladda Somalia oo Kenya mar kale kaga nixisay iney joojineysa Khaadka + Sababta

Dowladda Soomaaliya ayaa ku hanjabtay iney  dib xayiraad ugu soo rogeyso qaadka kaga keeno Kenya ka dib markii xukuumadda Nairobi lagu eedeeyay iney fulin weysay heshiiskii ahaa in diyaaradaha ka taga Soomaaliya si toos ah uga degaan Nairobi.

Dowladda Somalia ayaa xayiraadda ka qaatay qaadka bishii September ee sanadkaan ka dib heshiis labo geesood ah oo ay gaareen Labada Dowladood oo ku aadan in duulimaadyada si toos ah magaalooyinka u gaaraan.

Todobaadkii la soo dhaafay ayaa Saraakiil ka tirsan Dowladda Somalia ku eedeeyay Kenya iney wali ka aamusan tahay in la badbaadiyo rakaabka safarka Somalida iney sii maraan Wajir si halkaasi baaritaan amni loogu sameeyo.

“ Kenya iyo Somali ayaa ku heshiiyay in xaiyaaradda laga qaado qaadka Somalia horay u mamnuucday,halka Kenya ay meesha ka saarto duulimaadyada Somalida ee lagu dhibaateeyo Wajir,”sida lagu qoray Wargeyska Sunday Nation.

Dowladda Kenya ayaa lagu eedeynaya in wali aysan dhaqan gelin heshiiskaasi.

Related posts

Dhageyso:-Taliska Ciidamada Badda ee Qaranka Oo Ka Hadlay Ciidamo Dooni Kula Degtay Xeebta Degmada Cadale.

admin

(DAAWO SAWIRRO) Magaalada Boosaaso ay soo gaareen Qaxootigii ugu badnaa oo Soomaaliyeed, kuwaasoo kasoo carerey Dalka Yamen.

admin

Akhriso: Tirada Rasmiga ah ee Soomalida lagu dilay Dalka Koonfur Afrika Maalmaha Ciidul fidriga inta lagu ….

Tifaftiraha K24