Maqaalo iyo Warar Somali News Top News

Dowladda Baxreyn oo Xabsiga Dhigtay 106 qof Oo siyaabooyin kala duwan lagu soo Eedeyey

Xukuumadda Baxreyn ayaa sheegtay in ay xirtay 106 qof oo ay ku eedeeysay in ay ka tirsan yihiin koox shabakad isku xiran ah oo hubaysan islamarkana sida la sheegay xiriir la leh ilaalada kacaanka Iiraan.

Bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha Baxreyn ayaa lagu sheegay in baarayaal ay fashiliyeen weeraro.

Waxaa sidoo kale bayaanka lagu sheegay in hub laga helay goobta ay daganaayeen kooxdani la sheegay in ay mintidka yihiin.

Dowladda Baxreyn ayaa ku eedeeysay qaar ka mid ah dadka la xiray ay tababar militari ay ka helayeen Iiraan,Ciraaq iyo lubnaan.

bishii January in ka badan 40 qof ayaa loo xirey eedeeymo kuwan la mid ah.

Dowladda Iiraan ayaa beenisay eedeeynta ah in ay tababarto kooxaha ku sugan Baxreyn.

Related posts

Update: Xildhibaanada Koonfur Galbeed oo Musharax C/Kaafi Macalin Xasan u doortay Senetorkii ugu horeeyay Aqalka Sare K/Galbeed

Tifaftiraha K24

Tacsi: Marxuumad Hooyo Siciido Jaamac Cabdule.

admin

Howlgalka Amisom oo Booliska Soomaliyed u qabatay Tababar ku Saabsan ka Hortaga Halista ay leedahaya Mii ……..+Sawirro

Tifaftiraha K24