Somali News

Dowlada Turkiga oo Qaadatay Go’aan Farxad galiyay Madaxtooyada Somalia

Xog gaara ayaa sheegeysa in Dowlada Turkiga ay ku wargelisay Dowlada Federaalka Soomaaliya inay dib u bilaabeyso Lacago ay siin jirtay Villa Somalia oo Mudo hakad la galiyay.

Turkiga ayaa Cadaadis saaray Dowlada Federaalka Soomaaliya tan iyo markii ay la safatay Sacuudiga kadib Dilkii Jamal Kashoggi.

Villa Somalia ayaa lagu eedeeyay inay si aan ka fiirsi laheyn ugu dhexday Xiisada Turkiga iyo Sacuudiga maadaama Xukuumada Ankara ay ka xumaatay in Dalkeeda qof Ajnabi ah lagu dilo taasoo yareyneyso Kalsoonida lagu qabo Xasiloonida Turkiga iyo Hay’addaheeda Amniga.

Xukuumadda Ankara ayaa joojisay lacag 30-Milyan Dollarka Mareykanka oo sanad kasta ay siin jirtay Dowlada Soomaaliya, waxaana arrintaasi hore u xaqiijiyay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdi raxmaan Ducaale Beyle.

Lacagtan ayaa aheyd Mid Dowlada Soomaaliya ay faa’iido badan ku qabtay maadaama ay kaabeysay Miisaaniyada Sanadka ee Dowlada, waxaana jira Codsi ay Somalia u gudbisay Turkiga oo ah inaysan lacagtaasi hakad galin walow jawaabta laga soo daahiyay hadana Madaxtooyada Soomaaliya waxaa farxad galiyay Go’aanka ay hada qaadatay Dowlada Turkiga.

Related posts

Madaxweyne Gaas Waxaa uu lunsaday Malaayiin Dollar, Isagaana Hooyo iyo Aabe u ah Masuqa (Cali X. Warsame)

admin

DEG DEG: Xayawaan aan la aqoon oo dad ku cunay Magaalada Muqdisho

admin

DEG DEG: Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka KFG, ku xigeenkiisa iyo 11 Xubnoo oo Is Casishay

admin