Somali News

Dowlada Soomaliya oo amar duldhigtay gudigii doorashada ee uu magacaabay Sh.Shaakir

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay amaro laxiriira doorashada maamulka Galmudug iyadoona gabi ahaanba mamnuucday dhaq dhaqaaqyada la xiriira dhinaca doorashada ee ay wadeen gudigii uu magacaabay Sh Shaakir.

Amarka ay soo saartay dowlada federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu wargaliyay madaxda Ahlu-sunah iyagoona loo sheegay in aan dhaq dhaqaaq doorasho loo ogoleyn gudi ka madax banaan kuwa ay magacowday wasaarada arimaha gudaha.

Sh.Maxamed Shaakir Cali madaxa xukuumada Galmudug ayaa magacaabay gudi ka madax banaan kuwii ay magacawday wasaarada arimaha gudaha dowlada federaalka Soomaaliya kadib khilaaf soo kala dhexgalay,amarkaan kasoo baxay dwoalda ayaan la’ogayn suu saameyn ugu yeelan doono shaqada gudiga uu magacaabay Sh.Shaakir.

Related posts

Ra’isal Wasaaraha Ethiopia Oo Markale Diyaar u ah Inuu Hoggaaminta Dalkiisa Usoo Istaago

admin

Dhagayso: Maamulka Gobolka Sh/Dhexe oo Beeniyay in Alshabaab ay ka gubeen Gawaari Dagaal.

admin

Magaalada muqdisho oo habeenkii labaad oo xiriir ah howlgallo culus laga sameeyay maxaase kasoo baxay???

Tifaftiraha K24