Somali News

War-saxaafadeed:Dowlada Soomaaliya oo war dag dag ah ka soo saartay hadalkii Sh Shariif

War-saxaafdeed

Muqdisho, 10ka Oktoobar, 2019: Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aad ula yaabantahay hadalkii lama filaanka ahaa ee kasoo yeeray Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo ah hadal filan-waa ku noqday guud ahaan ummadda Soomaaliyeed kaas oo aan u qalmin maqaamka iyo karaamada laga filan karo qof dalkaan astaan qaran usoo noqday.

Sidaas darteed, waxaan Madaxweynihii hore Shariif Sh Axmed aan ugu yeeraynaa inuu dhawro magaciisa iyo sharafkiisa, kana taxaddaro wax kasta oo dhaawacaya muuqaalka qaran ee uu xambaarsanyahay Madaxweyne hore.

Dowladda Soomaaliyeed, Madaxdii hore ee qaranka iyo cid kasta oo dooneysa horusocodnimada dalkan waxaa waajib ka saaranyahay ilaalinta midnimada, bad qabka iyo amniga guud ee dalka.

Ummadda Soomaaliyeed waxay maanta hiigsanaysaa horumar iyo nabad, cid kasta oo hoggaanka soo qabatay waxaa laga sugayaa in ay ka qeyb qaataan xoojinta iyo ka mira dhalinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

Related posts

Gudoomiyaha Cusub ee Gobalka Mudug Puntland oo Gaalkcyo Gaaray Warbixin)

admin

Weerarkii diblomaasiyadeed ee madaxweyne Farmaajo

Dowlada Sucuudiga oo ibsanaysa gadiidka xanbara madaxyada nucleerka….

admin