Somali News

Dowlada Soomaaliya oo shaacisay dalalka deynta ugu badan kuleh

Wasiirka Wasaarada maaliyada Soomaaliya Cabbdirahman Ducaale Bayleh ayaa maanta qabtay Barnaamijka la kulan ‘WASIIR-KAAGA’ oo bil waliba uu qabto isla markaasna uu Bulshada ku siiyo faah-faahinta Maaliyadeed ee Dalka iyo waxa u qabsoomay Bishii ina dhaaftay.

Wasiirka ayaa  soo bandhigay natiijadii ka soo baxday shirarkii uu la soo galay madaxda hey’ada ha kala ah, IMF, World Bang iyo Bangiga Horumarinta Afrika.

Waxaa uu sidoo kale  bulshada la wadaagay hiigsigsiyada dowlada ee  ku aadan hanaanka Deyn-Cafinta  rajo wanaagsan ay dowladu ka leedahay sanada soo socota ee 2020, sidoo kale waxaa Miisaaniyadda Dalka ee 2020 mushaar kordhin loosameeyay  Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Dhanka kale waxa uu wasiirka sheegay dalalka Soomaaliya lacagta ugu badan kuleh, Mareykanka ayaa soomaaliya kuleh 1Bilyan, Ruushkana 700Milyan, Talyaanigana  600Milyan, halka France ay Soomaaliya ku leedahay 400milyan.

 

Related posts

Daawo: Jawaabtii heestii Hodan Abdirahmaan Kuma geeyo Goob Xun Abdi Dajiye

admin

Wafdi Caalami Ah Oo Ku Wajahan Magaalada Kismaayo.

admin

War Cusub: Maxaa ka jira In Dhaawac Culus uu soo gaaray Hogaamiyaha Kooxda Boko Haram

Tifaftiraha K24