Breaking News Maqaalo iyo Warar Somali News Top News

Dowlada oo sheegtay inay baareyso dad rayid ah oo saaka lagu diley Muqdisho

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay la socoto dad rayid ah oo waxyeelo kasoo gaartay dhacdadii ay ku lug lahaayen ciidamadda AMISOM ee saaka ka dhacday degmada Huriwaa ee Gobalka Banaadir, iyadoona baaritaano ay socdaan sida lagu sheegay War kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta oo sidan u qornaa:-

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay la socotaa dhacdo ay dad rayid ah waxyeello ka soo gaartay oo ka dhacday degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir, taas oo ay ku lug leeyihiin ciidanka Nabad Ilaalinta AMISOM.

“Dowladdu waxa ay waddaa baaritaan la xiriira dhacdada maanta,iyadoo bulshada la wadaagi doonta wixii ka soo kordha, waxeyna Ka xuntahay waxyeelo gaarta shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri war kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Related posts

DEG DEG: C/raxmaan Cabdi Shakuur oo deg deg maxkanad loo horgeyn doono maxaase lagu heystaa???

admin

Ra’iisul Wasaaraha oo xalay kulan kula qaatay Cadaado ururrada haweenka

admin

War hada: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada oo shacabka Soomaaliyeed uga taciyadeeyey geeridii ku timid Generaal…..

Tifaftiraha K24