Dowlada Kenya oo wafdi usoo direysa Caleema Saarka Sargaalkeeda ufadhiya Somaliya.

0

Wararka ka imanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in wafdi ka socda dowlada Kenya ay ka qeybgalayaan munaasabada caleemo saarka Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam, sida uu xaqiijiyay hogaamiyaha aqlabiyadda Kenya, Aadan Barre Ducaale.

Wafdigan ayaa lagu wadaa inuu hoggaamiyo Aadan Barre Ducaale hogaamiyaha aqlabiyada baarlamaanka Kenya.

“Wafdi culus ayaa u hogaaminaya Kismaayo oo ka qeyb geli doono caleemo saarka Axmed Madoobe” ayuu yiri Ducaale.

Dowladda Kenya oo ciidamo ay ka joogaan deegaano ka tirsan Jubbaland ayaa hore u aqoonsatay doorashadii Axmed Maxamed Islaam halka dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay ku tilmaantay mid sharci darro ah.