Somali News

Dhaxal Sugaha boqortooyada Sacuudiga oo Malaayiin duldhigay kooxda.

Amiirka leh dhaxalka boqortooyada Sucuudiga, Prince Mohammed Bin Salman ayaa ugu dambayn go’aan ku gaadhay inuu iibsado kooxda kubadda cagta waddanka Ingiriiska ee Manchester United, taas oo uu dul-dhigayo qiime lacageed oo qancin doona mulkiileyaasheeda qoyska reer Glazer.

Mohammed bin Salman oo qoyskiisu leeyahay hanti lagu qiyaasay £850 bilyan, ayaa kusoo laabtay damaca iibsiga Manchester United oo horraantii sannadkan laysla dhex maray inay kulmeen qoyska iska leh ee reer Glazer, laakiin waqti dambe ayaa afhayeen u hadlay uu beeniyey warkan.

Sida uu qoray wargeyska Daily Mirror ee kasoo baxa UK, Amiir Mohammed Bin Salman ayaa go’aan rasmi ah ku gaadhay inuu soo galo saaxadda ciyaaraha oo uu kula loollamo qoyska boqortooyada Qatar ee iska leh PSG iyo Maamuleyaasha Abu-dhabi ee iska leh Man City.

Warku wuxuu sheegay in Mohammed Bin Salman uu ku doonayo in Manchester United uu ku iibsado lacag dhan £3.8 bilyan, taas oo ah qiimaha ugu sarreeya ee hadda koox lagu iibsan karo.

 

Related posts

DAAWO: Ehelada Eng Yariisow oo sheegay Gacantii Dilkiisa ka danbeysay.

admin

Doorashada kuraas ka banaan Golaha Shacabka oo ka socota.

admin

Qaar ka mid ah Xildhibaanda u sharaxan Booskii Wasiir Siraaji oo walaac kamuujiyay

gurey