Somali News Top News

Dhageyso+Sawirro: Qaraxii ugu weynaa Inta lagu guda Jiro Bisha Ramadaanka oo Xalay Muqdisho lagu….

Kadib Xilligii af-furka caawa ayaa inta badan magaalada Muqdisho waxaa laga maqlay qaraxyo xogan iyo  Rasaas..

Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in qaraxyadu ay ka dhaceen  Nawaaxiga isgoyska Taleex, midkale ayaa isna ka dhacay meel u dhaw isgooyska KM4 qaraxayadaas lama sheegin wax qasaara ah oo ka dhashay.

Intaas kadib Hey’adaha amniga Gobolka Banaadir ayaa waxaa magaalada ay ka sameeyeen Howlgalo amiga Caasimadda lagu xaqiijinayo.

Afhayenka wasaaradda Aminiga Cabdi Kaamil Shukri Macalin ayaa sheegay in qaraxyadii dadka magaaladu ay maqlayeen ay ahaayeen Baaruud lasoo galiyay Baco, wax qasaara ahna ma geysan.

Cabdi kaamil ayaa intaasi ku daray in qaraxyadaas lagu damacsanaa in dadka magaaladaan lagu cabsi galiyo.

Dhanka kale ciidanka NISA oo caawa howlgal ka sammeeyay Degmada Yaaqshiid ayaa waxa ay gacanta ku soo dhigey Hub iyo Rasaas kala duwan iyo hal qof oo ciidanku ay la soo qabteen hubkaas.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka Afhayeenka Amniga

 

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirada gaariga Qaraxa uu Saarnaay1-7 2-6 3-4 6-3 a-1 b-1-768x432 c-768x432

Related posts

Maxa tahay sababta ay Soomaalida guryaha uga iibsanayaan dalka Turkiga?

admin

Dhagayso:- Puntland Waxaa kusoo socda Qaxooti Tiro Badan oo ka imanaya Yeman

admin

Dr Abdi Gele oo ka hadlay Khatar wayn ee dul saaran jaaliyadaha Soomaliyeed ee Qurbaha

Tifaftiraha K24