Arimaha Bulshada Breaking News English News Kaydka Wararka Xulka ah Maqaalo Maqaalo iyo Warar Somali News Top News Xulashada K24 XULASHADA TODOBAADKA

Dhagayso Wasiir Dowlaha Caafimadka Galmudug oo Waraysi u VOA siyay ku sheegay…

Wasiiru dowladaha caafimaadka  Galmudug Ali Dahir Ciid oo wareysi siiyey idaacada VOA isaga oo jooga magaalada The Hague ee dalka Holland ayaa waxaa uu sheegay  daacuun ka dilaacay deegaano ka tirsan Galmudug.

Wasiirka oo shir arrimaha caafimaadka ku saabsan uga qeybgalaya magaalada The Hague ayaa waxaa uu sheegay inay aad uga walaacsan yihiin daacuunka ka dilaacay deegaano hoos yimaada Galmudug, isagoona sheegay inay dad ku dhaw 10 qof ay   u dhinteen cudurkaasi.

“Waxaa cudurka daacuun caloolaha uu ka dilaacay deegaanada kala ah Cabudwaaq, Bandiiradleey iyo Godoon oo kala ah Mudug iyo Galgaduud” ayuu yiri Wasiir Ali Dahir Ciid.

ali

Dhinaca kale waxaa uu VOA u xaqiijiyey inay 70 qof u dhinteen cudurkaasi daacuun caloolaadka, iyaddoo 49 qofna ay yihiin kuwa ay kula tacaalayaan xarumaha caafimaadka ee deegaanada Galmudug.

Dowlada Soomaaliya gaar ahaan wasaarada caafimaadka ayuu sheegay inay gaarsiiyeen fariinta cudurkan kasoo cusboonaaday Galmudug, balse waxaa inaysan wax jawaab ah iyo daaweyn aysan ka helin dowlada Soomaaliya.

“Dowlada Soomaaliya waan gaarsiinay halista caafimaad ee soo cusboonaatay, waxaana ka fileynaa inay wax nala qabto, inkastoo aysan ilaa hadda inoo soo jawaabin” ayuu yiri Ali Dahir Ciid.

Maamul goboleedyada jaarka la ah Galmudug ayuu sheegay inay gaarsiiyeen inay ka feejignaadaan sida uu cudurkaasi ugu fidi karo deegaanadooda, maadaama dadka Soomaaliyeed isku socdaan.

HALKAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA WASIIR ALI DAHIR CIID UU SIIYEY VOA:

Related posts

Somali President: “Burundi’s participation in the AMISOM mission has made a massive contribution

admin

Top News: Maxaadan Ogeyn Oo Ay Ciidamadda Galmudug Maanta Ka Sameynayaan Magaaladda Cadaado???

Tifaftiraha K24

TOP NEWS: Madaxweyne Guulled” Waa Nasiib Daro Shacab Soomaaliyed oo dhulkooda Meel kamid ah Jooga in loo dhibaateyo Deegaan kale ayuu u dhashay”

admin