Somali News

Dhageyso: Maxamed Ibraahin Nuur oo si rasmi ah loogu magacaabay in uu noqdo guddoomiyaha dagmada….

Guddoomiyaha gobolka baay ee maamulka koonfur galbeed ayaa guddoomiye cusub u magacaabay dagmada buur-hakaba ee gobolka baay.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Baay, ayaa waxaa lagu sheegay in Gudoomiyaha cusub ee Degmada Buurhakaba laga dhigay Maxamed Ibraahin Nuur.

Waa guddoomiyihii shanaad oo mudo laba sano gudaheed ah loo magacaabay dagmada buurhakaba waxaana inbadan la is weydiinaya sababta guddoomiyaha buurhakaba ugu nagaan la’yahay maamulka dagmadaasi.

Sidoo kale waxaa la magacaabay maxamad xasan siidoow guddoomiye ku xigeenka siyaasadda halka sidoo kale cabsi xasan buulle guddoomiye kuxigeenka amniga ,cusmaan nuur cabdulle guddoomiye ku xigeenka maaliyadda , abuukar shiikh yaroow waxaa loo magacaabay guddoomiye ku xigeenka arimaha bulshada iyo dhaayoow ibraahim aadan oo loo magacaabay xoghayaha dowladda hoose.

Related posts

Dowladda Britain oo safiir cusub u soo magacawday Soomaliya

admin

Mursi oo markale la xukumay

admin

DEG DEG: Xiisad Kulul oo laga soo sheegaayo Gobolka Sool Gaar ahaan Dagmada ……

Tifaftiraha K24