Somali News

Dhageyso: Madaxweynaha Hirshabeele Muxuu ka Yiri Xubnaha Aqalka sare kusoo Baxay Kuwaasi oo Hirshabeele Matali doono

Madaxweynaha Maamulka Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullahi Cosobleoo ka hadlayey doorashadii shalay ka dhacday Magaalada Jowhar ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay qaabka ay u dhacday doorashadii Xubnaha Aqalka Sare ee Maamulkaasi.

Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa Xusay in ay doorashadaasi tahay Guul taariikhi ah oo u soo hoyatay Dadka ka soo jeeda Deegaanada Hoos tago Maamulka Goboleedka Hirshabeelle iyo guud ahaan Ummada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Maamulkooda uu ku guuleystay in ay siiyaan haweenka Qoondadii loogu talagalay oo ay ku lahaayeen Xubanaha Aqalka sare u matalaaya Maamulka Hirshabeelle, isagoo sidoo kale xusay in ay ku rajo weyn yihiin in ay sidoo kale ku guuleysan doonaan in ay haweenka xaqooda ka siiyaan xubnaha Aqalka Hoose.

Related posts

Dhagayso:- Fah Faahin Dagaalo Kadhacay Gobalka Bakool

admin

SAWIRO: Kuuriyada Waqooyi oo sheegtay in Gobalada Maraykanka duqayn karaan..

admin

Ra’iisul Wasaare Khayre: Kobaca Dhaqaalaha Soomaaliya Waxa Uu Ku Xiranyahay Kordhinta Tacabka Iyo Wax Soo Saarka Beeraha

admin