Somali News

Dhagayso:- QM & Jubbaland oo ka shiray wax u qabsashada Qaxootiga

Maamulka Jubballand iyo Qaramada Midoobay ayaa ka hadlay wax u qabashada Qaxootiga ku sugan deegaanada Jubbaland.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Generaal Cabdulaahi Sheikh Ismaaciil Fartaag, oo shir la yeeshay xubno ka socday qaramada Midoobay ayaa sheegay iney isla garteen Qaramada Midoobay sidii wax loogu qaban lahaa qaxootiga kenya kasoo laabanaya.

Generaal Fartaag, wuxuu sheegay in ujeedada ugu weyn ee uu ula kulmay masuuliyiinta Qaramada Midoobay ay tahay wax u qabashada dadka kasoo laabanaya xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa sidoo kale tilmaamay iney isla garteen wafdiga uu la kulmay sidii dib u dajin loogu sameyn lahaa dadka ay saameeyeen duqeymaha Kenya ka geysteen gobolka Gedo.

“Waxa laga hadlay waxaa kamid ah dadka barakacayaasha ee dalka gudahiisa ku barakacay sidii xal loogu heli lahaa iyo sidii caafimaadka, dib u dhiska iyo waxbarashada looga taageeri lahaa qaxootiga kenya kasoo laabanaya”ayuu yiri Fartaag.

Ugu dambeyn dhamaan qodobada ay ka wada hadleen Qaramada Midoobay iyo maamulka Jubbaland ayuu sheegay iney si wanaagsan iskula garteen dhawaanna la dhaqan gelin doono, sida uu sheegay Generaal Fartaag.

Related posts

Jubbaland oo war cusub ka soo saartay Meelmarintii Nidamka doorashada

admin

Farxiyo Fiska iyo Bashiir Hanuuniye oo Shacabka Muqdisho kala qayb qadan doona…

admin

Shir looga hadlayo Dhaqaalaha Afrika oo Adis-Ababa lagu soo gaba gabeeyay.

admin