Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Somali News

Dhagayso:- Puntland oo yeelan doonto Dekeda labaad oo laga dhisayo Boosaaso iyo Tii hore oo la balaarin doono

Wasiirka Dekedaha & La dagaalanka Burcad Badeeda Cabdulaahi Saalax Jaamac ayaa sheegay in uu Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Abdiwali Maxamed Ali Gaas soo kormeeray shaqada balaaran ee ka socota dekeda Boosaaso & qalabkii la keenay ee lagu balaarinayo Dekeda magaaladaas.

Wasiirka ayaa sheegay in uu sidaas oo kale shalay Madaxweynuhu mid mid usoo kormeeray Isha dhaqaalaha Puntland ee dekeda Boosaaso Xaafiisyadeeda, uuna la shiray Shaqaalaha oo ay si gaar ah isku arkeen.

Madaxweyne Gaas ayaa shalay socdaal mudo saacado ah qaatay ku tagey xaafiisyada dawladda ee kuyaala gudaha dekeda Boosaaso, isagoo shaqaalaha si gaar gaar ah ula kulmay kana xog wareystay shaqada socota iyo sida loogu baahan yahay in la dardargaliyo.

Mr, Cabdulaahi Saalax Jaamac ayaa sheegay in dhawaan la bilaabi doono balaarinta dekeda weyn ee Boosaaso, uuna yaala qeyb muhiim ah oo kamid ah qalabkii, ayna hada soo socdaan wali qalab kale oo muhiim u ah bilowga shaqadan.

Related posts

Dhagayso:- Isimada Puntland oo soo dhaweyeey Go”ankii Madaxweyne Gaas sido kale ka hadlay Usujuditaanki Xasan sheekh Meydadka Ciidanka Kenya

Tifaftiraha K24

Doorashada Kursi ka mid ah Golaha Shacabka oo Kismaayo lagu wado inay ka dhacado

Ahmed sudani

Deg-deg: Dabley aad u hubeysan oo weerartey Guriga RW-ha Dalka……………..

admin